Monday, February 10, 2025

XOG: Shariif Xasan oo Prof. Jawaari kaga guuleystay tartankii jagooyinka Golaha Wasiirada cusub

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku guuleystay loolankii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Labadan siyaasi ayaa tan iyo sanadkii 2012 ku loolamayay qofka metela ee taladu ka go’do beelaha Digil & Mirifle, waxana loolankoodu noqday mid joogto ah, inkastoo Shariif Xasan ku awood badan yahay dhinaca siyaasadda.

Golaha wasiirada ee shalay lagu dhawaaqay ayaa la xaqiijiyay in wasiirada ka soo jeeda degaanada maamulka Koonfur Galbeed uu intooda badan keensaday madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Golaha wasiirada cusub ku leh ilaa 5 wasiir iyo ku xigeeno, oo uu ku jiro wasiirka Gaashaandhigga.

Ad

Prof. Jawaari ayaa wasiirada cusub ku leh hal wasiir oo qura, wasiiru dowle iyo wasiir kuxigeen, waxaana arrintan keenay in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Kheyre ay door bideen isbaheysi la yeeshaan Shariif Xasan si aanu uga hor imaan.

Xildhibaan u badan beeshan ayaa maanta shir ay ku yeesheen uga dhawaaqay inay ka horjeedaan xukuumadda cusub iyagoo ku dooday in xilalka laga siiyay aanay u qalmin, waxaaba Shariif Xasan looga fadhiyaa inuu xasaraddan damiyo, halka warar qaar sheegayaan inuu ka danbeeyo kacdoonka xildhibaanada Digil & Mirifle ee kacsan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON