Saturday, April 19, 2025

XOG: Sanbaloolshe oo diiday inuu is casilo & Madaxtooyada oo bilowday Qorshe cusub

Kadib maalmo ay madaxa iskula jireen madaxda sare ee dowladda iyo kuwa Amniga xaaladda ka dhalatay kiiskii Itoobiya loogu gacan geliyay Sarkaalkii ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) ayaa waxaa soo baxaya qorsheyaal lagu badbaadiyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxtooyada iyo xubnaha la shaqeeya Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay qorshe ay warbaahinta taageerta u adeegsanayaan in kiiska Qalbi dhagaxa dusha loo saaro Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taasoo ka dambeysay kadib markii uu diiday inuu kiiskan dartii isu casilo, sidaasina looga badbaadiyo Madaxweynaha kacdoonka ku furan.

Ad

Dagaalka warbaahineed ee Villa Somalia ayaa hadda maraya heerkii ugu liitay, iyadoo eeda kiiska Qalbidhagax lagu wareejinayo saraakiil ka tirsan NISA iyo xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre.

Dad badan ayaa saadaalinaya in kiiskan oo galaafan doono siyaasiyiin iyo madax badan, laakiin qorshaha Madaxtooyada ee Farmaajo badbaadinta ayaa ah in dadka lagu qanciyo inuusan madaxweynaha waxba kala socon kiiskan, iyadoo la xaqiijiyay madaxda Guddoonka Aqalka sare iyo xildhibaanno arrinta kiiskan ugu tegay Farmaajo uu ka biyo diiday in la sii daayo.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON