Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.
Mashuurca Hawada Sare ayuu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku doonayaa inuu dalkiisa ka mid noqdo dalalka horumarka ka gaaray Teknolojiyada, isla markaana Hawada sare u diro Dayax-Gacmeed Turkigu sameystay sanadka 2028.
Lacagta uu ku kacayo mashruucab ayaa dhan 1 Bilyan oo Doollar, waxaana laga helay xog kooban gudaha dalka Turkiga. Markii ugu horeysay horaantii sanadkan ayay soo shaac baxday inuu Turkigu Soomaaliya u doortay Saldhigan Tiknolojiyada Sare ku shaqeyn doona.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan, balse xogta la helay ayaa sheegaysa in la bilaabay hirgelinta heshiis qarsoodi ah dowladda Turkiga lagu siiyay Dhul xeebeedka laga dhisayo xarunta laga dirayo Dayax-Gacmeedyada Turkiga.
Wararka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay kulankoodii 16 July 2024 ay ku ansixiyeen heshiis dowladda Turkiga lagu siinayo Dhul xeebeed dhererkiisu yahay 32KM oo isku wareeg ah.
Dhul xeebeedkan ayey xogtu sheegaysaa inuu ka tirsan yahay Gobolka SH/Dhexe, gaar ahaan degaannada xeebta ah ee Gobolka Sh/Dhexe.
Sababta ay dowladda Turkiga ugu dooratay Soomaaliya inay ka dhisto xarunta hawada sare ee Dayax-gacmeedyada ayaa lagu sheegay; Inay Soomaaliya tahay saaxiibka ugu muhiimsan ee Turkiga iyo Sidoo inuu maro Dhul-baraha, taas oo ka dhigaysa meel aad ugu haboon dirista Dayax-gacmeedyada Hawada Sare.
Xarunta Hawada Sare ee Turkiga ka dhisayo Soomaaliya waxaa la qiyaasay inuu ku bixi doono kharash ka badan 350 Milyan oo dollar. Mucaaradka Turkiga ayaa su’aal ka keenay halka laga keenayo lacagtan.