Waxey aheyd 2009kii markii Dowladii Soomaaliya jirtey xilligii KMG ay heshiis is-afgarad ah (MOU) la gashay dowladda Kenya oo ku aadanaa in labada dal ay ka wadahadlaan xaduuda badda. Haddaba maxaad ka fahamsantahay heshiiskaas isaga ah?
Khamiista 2da Feberaayo ayey Maxkamada Cadaalada Caalamiga ah ee magaalada Hague ee dalka Holland soo saareysaa go’aan ku aadan in qaadista dacwada ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya la guda galayo iyo in fursad la siinayo wadahadal ay labada dal ku soo dhameystaan khilaafkooda, bacdamaa ay labada dal wada galeen heshiis is-afgarad ah sidaas daraadeedna loo baahanyahay in heshiiskaas la dhaqangeliyo oo si hoose loo galo xaajada.
Dowladda Kenya ayaa in muddo ah dooneysay inay mar un heshiis la gasho Dowladda Soomaaliya iyadoo dooneysay in shirkadaha shidaalka baara ay bilaabi karaan qodista iyo baarista shidaalka bacdamaa MOU uu jiro iyo inay waqtiga ku sii dheereysato si marka shidaalka la helo ay u heysato fursado qaali ah oo ay ku doodo in dhaqaale fara badan ka gashay.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa diiday in MOU uu la saxiixdo Kenya, ka dibna Madaxweynaha Kibaki iyo Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Moses Watangula ayaa Ku-Simihii hore ee Madaxweynaha Sheikh Aden Madobe iyo Ra’iisul Wasaarihii waqtigaas Nuur Cadde cadaadis ku saaray inay saxiixaan MOU, hase yeeshee ay diideen inay saxiixaan oo ay codsadeen inay la soo tashanayaan khubaro dhanka sharciga ah iyo labada gole ee dowladda.
Akhriso: Heshiiska Muranka Geliyay Badda Soomaaliya
Ka dib ayaa Kenya waxey ku guuleysatay in sanadkii 2009kii ay heshiiskaas is-afgaradka ah MOU ay la saxiixato Dowladii markaas jirtey. Heshiiskaas laguma qorin inuu ansax noqon karo marka baarlamaanku ansixiyo oo dhammaan heshiisyada caalamiga ah ay khasab ku tahay. Sidaas daraadeed, ayaa markii Baarlamaankii markaas jirey uu isagu is xilsaaray uu laalay heshiiskaas ayey Dowladii markaas jirtey u gudbisay Qaramada Midoobey, hase yeeshee marnaba lama qorin warqad toos ah oo Dowladda Kenya u sharaxeysa in heshiiskii uu burburay.
Dowladda Kenya ayaa ku andacootay in Soomaaliya aysan si toos ah ugu soo qorin warqad cadeyneysa in Baarlamaanku laalay iyo iyagoo ku andacoonaya in Soomaaliya aysan shuruudaas markii horeba keenin ka hor saxiixa heshiiska.
Sababta keentay in Kenya ay diido in dacwada ay Maxkamada Caalamiga ah qaado ayaa ah inay leedahay Soomaaliya waxaan kala saxiixanay MOU oo loo baahanyahay inaan wadahadal ku dhameysano khilaafka.
Howshu waxey mareysaa in MOU uu keenay in khilaafka xuduuda laga wada hadli karo oo macnaheedu yahay xuduuda in la isku heysto oo aan la garaneynin. Haddii aan la saxiixi laheyn MOU doodaas meesha ma timaadeen, isla markaasna shirkado shidaal kuma soo dhiiradeen inay qodis iyo baaris ka bilaabaan dhul badeedka Soomaaliya.