Monday, February 17, 2025

XOG: Sababta Midowga Yurub Lacagtii uga jartay Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya oo la ogaaday

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay sababta uu Midowga Yurub kala bar uga jartay lacagtii uu siin jiray ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, kuna howlgala AMISOM.

Sabbata Midowga Yurub (EU) uu kala bar u dhimay miisaaniyada ciidamada Kenya ee ka mida AMISOM ayaa la ogaaday inay ka dambeysay, kadib markii dowladda Kenya ay qeyb ka mida cidiamada si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya, kuna celisay Kenya.

Xoghayaha Maaliyadda Dowladda Kenya aa u sheegtay Baarlamaanka Isniintii shalay in Kenya ay ka heshay Midowga Yurub lacag dhan Sh4.5 bilyan (37 Milyan Dollar) oo ku timid magaca howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) muddo 12-ka bilood ah oo ku eg Juunyo 2019, iyadoo laga filayey lacag dhan Sh8.5 bilyan.

Ad

Baarlamanka Kenya ayaa baaraya sababta Kenya ay lacag yar uga heshay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya marka loo eego miisaaniyada loo qoondeeyay ee la isla ogaa, waxayna ogaadeen tallaabada uu ku kacay Taliska Ciidamada Kenya ee KDF.

“Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay ” ayuu yiri Julius Muia, xoghayaha maaliyadda Kenya oo aan shaacin tirada dhabta ah ciidamada Kenya ka celisay Soomaaliya.

Dr Muia, oo uu weheliyo Xoghayaha Difaaca Kenya Ibrahim Mohamed, ayaa u sheegay Gudiga Xisaabaadka Dowlada (PAC) in lacag celinta la siiso Kenya ay salka ku heyso howlgal iyo ciidamada ku sugan howlgalka.

- Advertisement -

28-da dal ee Midowga Yurub (EU), ayaa ah hay’adda ugu weyn ee dhaqaalaha ku bixiya howlgalka AMISOM, iyadoo taageerta barnaamijyada iyo howlaha Midowga Afrika.

Midowga Yurub wuxuu maalgeliyaa Mushaarka ciidamada AMISOM iyo Booliska, mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kharashaadka ku baxa howlaha xafiisyadooda, iyo qeybokale.

Dhinaca kale Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), wuxuu taageero dhanka saadka ah siiyaa ciidamada Amisom iyo Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliyeed inta ay socdaan howlgalada wadajirka ah.

Beesha caalamku waxay lacag gaareysa $ 1,028 bishii, askari kasta, waxaana lacagta loo mariyaa dowladaha ay ka tirsan yihiin ciidamadaasi, waxayna dowladaha ka jartaan askari kasta bishiiba $ 200 (Sh21,640) oo lagu sheegay kharashaadka maamulka, taasoo ka dhigan inuu askari kasta mushaar ahaan u helay $ 800 (Sh86,560).

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON