Monday, February 10, 2025

XOG: Sababaha Qoorqoor ku qasbay inuu waanwaan ka dhex bilaabo Farmaajo iyo Rooble oo la ogaaday

Waanwaanta laga dhex wado Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hormuud u ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Xogta la helay ayaa sheegeysa in dadaalka Qoorqoor uu yahay mid uu doonayo inuu uga baxsado cadaadis uga yimid laba dhinac oo saameyn ku leh, taasoo keentay inuu arrintan dhex galo, isagoo kaashanaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed.

Qoorqoor ayaa cadaadis weyn kala kulmay beesha uu kasoo jeedo oo ka dooneysay inuu garab istaago, si cadna u taageero Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay yeeleen Maamul Goboleedyada Puntland iyo Juballand.

Ad

Dhinaca kale waxaa badbaado uga baahday oo la xiriiray saaxiibkiis, agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo kaalin ku lahaa inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug oo xilligan ku jira xaalad adag oo siyaasadeed, kadib kiiskii Ikraan Tahliil.

Labadan Arrimood ayaa ku qasbay Axmed Qoorqoor inuu dadaal u galo xalinta khilaafka Farmaajo iyo Rooble, si uu uga badbaado go’aan culus inuu qaato oo u janjeersado Ra’iisal wasaaraha, taasoo an tallaabo aanu ku dhiiran karin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku caan baxay intii uu socday khilaafkii Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada inuu la safnaa Farmaajo, balse isu muujin jiray inuu dhexdhexaad yahay, waxaana fashilmay dhammaan dadaalladiisii waanwaanta markii la ogaaday inuu ku xiran yahay Madaxtooyada ilaa ay dhacee muddo kororsiga iyo dagaaladii Muqdisho.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON