Saturday, May 17, 2025

XOG: Rajada Waanwaanta laga dhex wado Rooble iyo Musharixiinta Mucaaradka (3 Qodob oo lagu xiray)

Waxaa si weyn u xoogeystay dadaal ay wadaan ergo wakiil ka ah Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble oo lagu doonayo in lagu xaliyo xaaladii ka dhalatay iska hor imaadyadii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febraayo iyo bannaanbaxa lagu wado inuu Jimcaha dhaco.

Ergada isaga dab qaadeysa labada dhinac oo ay ka mid yihiin Senatooro iyo xidhibaanno ayaa kulan maanta la yeeshay Musharixiinta Mucaaradka, waxaana Rooble uu dadaal ugu jiraa inuu kulan la yeesho Musharixiinta, halka ay dhinacooda shuruud ku xireen qodobbo, iyagoo dalbaday qodobadda ay ka mid yihiin:

1- In xukuumadda raaligelin ka bixiso dhacdooyinkii 19-ka Febraayo, ayna cambaareyso falalka awood adeegsiga.

Ad

3- In Dowladdu ogolaato bannaanbaxyada nabadeed.

4- Iyo in Musharixiinta qeyb ka noqdaan shirarka Wadatashiga Doorashada.

Musharixiinta ayaa arrinta waanwaanta u xil saaray saddex xubnood oo kala ah; Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, C/raxmaan C/shakuur iyo C/kariin Guuleed oo la xaajoonaya ergada ka socota Ra’iisal Wasaaraha, kuna war celinaya Midowga Musharxiinta.

- Advertisement -

Xogta ayaa sheegeysa in qaar ka mida siyaasiyiinta beel ahaanta ugu dhow Ra’iisal Wasaaraha xilka sii haya ay doonayaan inay xoojiyaan miisaanka siyaaseed ee Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo beel ahaan isu abaabulay.

Rajada laga qabo waanwaanta ayaa aad u yar iyadoo caqabadaha ku hor gudban ay ka mid tahay is-aamin la’aanta ka dhex jirta labada dhinac iyo kaalinta Farmaajo oo shaki weyn laga qabo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON