Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu cadaadinayaa inuu xilka ka qaado agaasimaha cusub ee xafiiskiisa ninka lagu magacaabo C/salaan Salwe oo dhowaan uu xilkaasi qabtay kadib markii uu bedelay agaasimihii hore Maxamed Cali Nuur.

Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ay qurbe joog da’ yar ayaa ra’iisal wasaaruhu isaga wareejiyay fadeexad ka dhalatay magacaabiddii howlwadeenada Madasha Qaran oo la shaaciyay isagoo Ra’iisal wasaaruhu dalka ka maqan yahay, guddigaas oo laga dheehday heer qabyaaladeed iyo eexasho.
Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha ayaa isla gartay dhowaan in wax laga bedelo liiska soo baxay oo qaar laga saarayo, kuwo xubno cusubna lagu soo darayo sida wakiilo ka socda Gobolka Banaadir iyo Hiiraan-Sh/dhexe.
Ra’iisal wasaaraha oo hore ugu cudurdaartay inuusan isagu amrin liiska oo agaasimihiisa ka dambeeyay ayaa laga dalbaday inuu xilka ka qaado C/salaan Salwe, waxayna wararku sheegayaan in Ra’iisal wasaaruhu ka caga-jiidayo xil ka qaadista agaasimihiisa.
Goobjooge.com