Monday, June 16, 2025

XOG: Qorshaha Qoorqoor ee Shirka Dhuusamareeb & Xaaladda Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Maxamed Kaariye ayaa ku guuleystay inuu marti geliyo shirka madaxda Dowlad Goboleedyada ee ugu horeeyay kadib shirkii lagu kala tegay Garowe May 2019.

Shirkan ayaa ka dhashay xaaladda dalka ka taagan ee hubanti la’aanta Doorasho ka dhacda marka uu dhammaado dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana in muddo ah socotay sidii loo qaban lahaa shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka caga jiidayey muddo sanad ka badan inuu isugu yeero madaxda maamul Goboleedyada oo ay ku wada jiraan Golaha Amniga Qaranka ilaa ay arrintu gaartay in Golaha Amniga iy dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ay marar badan ugu baaqaan Madaxweynaha inuu qabto shirka Golaha Amniga, heshiisna la gaaro maamul Goboleedyada.

Ad

Caqabadda ugu weyn ee Madaxweyne Farmaajo heysatay ayaa ahayd Axmed Madoobe oo aanu aqoonsaneyn, kadib doorashadii muranka ka dhashay ee Ogost 2019, taasoo ugu dambeyn ku soo dhammaatay aqoonsigii Farmaajo ee Axmed Madoobe. (Akhriso Warkan)

Isku day iyo shuruudo la isku xiray kadib waxaa fashilmay shirkii Madaxweyne Farmaajo ku baaqay inuu Muqdisho ku marti geliyo maamul Goboleedyad 5 ilaa 8-da July 2020, kasoo markii uu qabsoomi waayey uu ka faa’iideystay Madaxweynaha Galmudug o gogol u fidiyey Madaxda Maamula Goboleedyada.

Sida xogta lagu helay Madaxweyne Qoorqoor ayaa dadaal ugu jira inay madaxda Maamul Goboleedyada heshiis ka gaaraan arrinta ugu weyn ee la isku hayo oo ah Doorashada 2020/21, kadibna uu magaalada Dhuusamareeb ku casuumo madaxda dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Lama oga in Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis badan saaran yahay uu tegi doono Dhuusamareeb, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay diyaar u yihiin inay tagaan magaalada Dhuusamareeb.

Maamul Goboleedyada ayaa ka mideysan diidmada labad qodob oo kala ah: in Dowladda hadda jirta waqti loogu daro iyo in Doorasho lagu galo qorshaha uu wado Guddiga Doorashooyinka Qaran ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey.

Waxaa sii yaraanaya suuragalnimada doorasho Qof iyo Cod ah oo u baahan waqti dheeraad ah, waxayna xaaladu ku socotaa Doorasho dadban oo aanu hore ugu xisaabtamin Madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON