Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo waanwaan ka dhex bilaabay musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowr qodob oo saldhig u ah waanwaan kula laabtay Madaxweyne Farmaajo.
Xogta aanu helnay ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Galmudug uu Musharixiinta Madaxweynaha ka dalbaday inay u gudbiyaan qodobadda ugu muhiimsan ee ay doonayaan in xal loo helo, kuna saabsan muranka kataagan Doorashada Madaxweynaha, waxaana qodobadda lala wadaagay kuwooda ugu muhiimsan ka mida:
1- Isbedel lagu sameeyo Guddiyada Doorasahda ee Heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, lagana saaro xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka dowladda iyo saraakiisha ciidamada Amniga.
2- In arrinta Guddiyada Doorashada Somaliland dib loo eego, loogana danbeeyo guddoomiyaha Aqalka Sare.
3- In dowladda Federaalka ay ciidamadeeda kala soo baxdo Gobolka Gedo, si Doorasho uga dhacdo.
4- In dibu eegis lagu saeeyo Guddiga Doorashada xildhibaannada Banaadiriga ee xukuumadu magacawday.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa la sheegay inuu qodobka hore xoogga saarayo, sidii xal loogu heli lahaa, iyadoo sadde qodob ee kale iyo qodobo soo raaca ay qeyb ka noqon doonaan xalintooda madax kale oo uu kaashan doono.
Wararka ayaa sheegaya in kulamo joogto ah ay u socdaan Guddi musharixiin ah oo arrintan u xil saareen Golaha Midowga Musharixiinta iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor, iyadoo uu si rasmi ah u bilwoday dadaalka la isaga dab qaadayo labada dhinac.
Qaar ka mida musharixiinta Madaxweynaha ayaan rajo fiican ka qabin waanwaanta Madaxweynaha Galmudug iyadoo ku doodaya inaan lagu kalsoonaan karin Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ayna daacad ka ahayn arrintan.
