Monday, February 10, 2025

XOG: QoorQoor iyo Guudlawe oo ogolaaday Shirka Afisyoone iyo Shuruudihii Midowga Musharixiinta

Kulan casho sharaf ahaa oo qaatay saacado badan ayaa xalay dhex maray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe iyo xubno ka mida Midowga Musharixiinta.

Waxaa kulanka dhinaca Musharixiinta uga qeyb galay: Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Daahir Maxamuud Geelle, waxaana si weyn looga dooday arrimaha dhex yaallay labada dhinac iyo khilaafka Doorashada.

Xogta laga helay kulanka ayaa sheegaya in dood dheer kadib ay Qoorqoor iyo Guudlaawe ka garaabeen sidii aysan mowqif uga qaadan wixii dhacay 19-kii Febraayo 2021, isla markaana ay ogolaadeen ka qeyb galka shirka Afisyoone iyo inay ka shaqeeyaan sidii Farmaajo loogu qanci lahaa inuusan faragelin doorashada iyo inuu qoro warqad uu ku caddeynayo xadeynta awoodihiisa xilliga kala guurka.

Ad

Dooda dhex martay labada dhinac ayaa timid, kadib markii Madaxweynaha Galmudug oo kulan casho ah ugu yeeray xubnaha ka socday Musharixiinta, waxaana si kulul looga dooday xaaladda dalku marayo iyo sida madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle u gabeen kaalintii ay ka sugayeen dadka ay metelaan, kuna dhacday in doorkaasi ay ka qaataan Siciid Deni iyo Axmed Madooobe.

Lama oga sida ay u hirgelin doonaan ballanqaadyada cusub ay sameeyeen Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo maamul Goboleedyada taageersan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa marar badan oo hore dhacday inuu isbedelay Qoorqoor oo marna qaatay dhexdhexaadnimo, kadibna la saftay dhinaca Farmaajo.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Beesha Caalamka cadaadis xoog leh saareyso Madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka si dalku ugalo doorasho, loogana gudbo is-mari waaga soo taagnaa ilaa bishii Septembar 2020.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON