Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa go’aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021, kadib arkii uu iska dhega tiray cadaadis ay saareen Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo Musharixiinta kasoo jeeda Galmudug.
Sida aanu kasoo xiganay ilo ku dhow Madaxweynah Galmudug wuxuu go’aansaday inuu ka shaqeeyo dib u doorashada Maxamed C/llaahi Farmaajo wax kasta oo ay ku qaadato, haddii uu guuleysan waayana uu diyaar u yahay inuu xilka ku waayo, kadib heshiis ay wada galeen isaga , Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.
Kulamadii ay Qoorqoor la yeesheen Musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, C/kariin Xuseen Guuleed, C/raxmaan C/shakuur iyo xubno kale ayuusan fulin dalabkii loo jeediyey ee ahaa inuu isbedel ku sameeyo xubnaha Guddiyada Doorashada ee uu magacaabay.
Qoorqoor ayaa isku dayey inuu waanwaan ka dhex bilaabo Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka, taasoo iyaduna ku xiran rabitaanka madaxweyne Farmaajo, waxaana kulankii ugu danbeeyay uu caawa la yeelanayaa Musharixiinta Madaxweynaha.
Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale qaba go’aan la mida kan Qoorqoor, waxaana muranka doorashada hadda u muuqdaa inay musharixiinta mucaaradka ku taageerayaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo go’aankiisa mugdi ku jirin iyo Madaxweynaha Puntland oo rajo yar ugu harsan tahay Madaxweyne Farmaajo.
