Saturday, December 14, 2024

XOG: Qodobbada ugu adag ee Madaxdii Hore hordhigeen Madaxweyne Xasan Sheekh

Shirkii Madaxda Dowladda Fedreaalka, Madaxdii hore ee dalka iyo Siyaasiyiinta qaarkood ayaa Xalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo laba maalmood socday ayaa si adag looga dooday qodobo ka mid ahaa Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka, waxaana ka soo baxay war-murtiyeed talo soo jeedin loo bedelay.

Qodobadda ugu adag ee madaxdii hore iyo siyaasiyiinta shirka la hortageen Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala ahaa:

Ad

1- Inay ka horjeedaan Muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dowladda Federaalka e hadda jirta iyo Maamul Goboleedyada.

2- Wax ka bedelka Dastuurka iyo Nidaamka Doorashada Dalka inaysan suuragal ahayn in la qaato qodobadii Madasha Qaran.

Labadaas qodob ayaa la sheegay inuu tixgelin siiyay madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan wax ballanqaad ah bixin, laakiin arrinta culus ee Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta la yimaadeen ayaa ahayd inaan hore loogu socon hogeynta heshiiskii Madasha Qaran, iyadoo Puntland aysan qeyb ka ahayn.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa warbaahinta u sheegay inay dalbadeen in Puntland lagu soo daro go’aamada Madashada inta aan sharciyadda loo gudbin labada Aqal ee Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON