Xog cusub ayaa laga helay heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamanka Soomaaliya, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Heshiiska oo 8-da bishan Febraayo ay kala saxiixdeen Wasiirada Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xogta la helay sheegaysaa in lagu diyaariyey muddo 10 maalmood ah gudahood markii uu dalbaday Madaxweynaha Turkiga, kadib xiriir dhex maray madaxda labada dal.
Heshiiskan oo aan wax faahfaahin laga bixin, iyadoo la sugayo iyo Turkigu ansixiyo ayaa dhinaca kale abuuray hadal heyn badan, waxaana sida uu ku waramayo weriye Turki ah oo ka tirsan Aljazeera, ilo muhiim ah laga ogaaday qodobadda muhiimka ah ee heshiiska oo ay ka mid yihiin:
– Inuu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.
– Inuu heshiisku ka mid yahay kheyraadka Badda Soomaaliya.
– Waxaa heshiiska ka mida fulinta hawlgallada milateri ee Cirka, Dhulka iyo Badda oo wadajir ah iyo haddii loo baahdo difaaca kheyraadka Badda.
– Dhismaha maraakiibta, samaynta iyo ka shaqaynta dekedaha, tas-hiilaadka Badda, iyo midaynta shuruucda badda ee labada dal.
– In la qaado tillaabooyin hal dhinac ah iyo mid wadajir ah si loola dagaallamo dhammaan khataraha Soomaaliya uga madax bannaanideeada, sida “argagixisada”, burcad-badeedka, dhaca, kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo tahriibinta.
– Dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo samaynta aagagga amniga Soomaaliya.
– Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.
– Samaynta iyo maareynta xarumaha amniga xeebaha Soomaaliya.
– Horumarinta iyo casriyaynta ciidamada badda Soomaaliya.
– Ka hortagga wasakheynta Badda Soomaaliya.
– Turkiga ayaa si buuxda loogu furi doonaa hawada Soomaaliya iyo aagaga milateri si ay uga howlgalaan.