Saturday, May 17, 2025

XOG: Ololihii ugu weynaa oo ka socda Baarlamaanka & Wasiir Xoosh oo Miiska saaran

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tan iyo xalay waday ololeyaal iska horjeeda oo ku saabsan kiiska wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosha oo saaka miiska u saaran xildhibaanada.

Farriimo la isku dirayo, ololeyaal culus iyo faafinta dacaayado ah ayaa hareeyay xildhibaanada iyo fadhiyadooda, iyadoo maanta lagu balansan yahay in Baarlamaanku go’aan ka gaaro xaaladda wasiirka Dastuurka Xukuumadda.

Xildhibaanada ka horjeeda wasiir Xoosh ayaa ololahooda ku saleeyay in xildhibaanada iyo xasaanadooda ay halis ku jiraan haddii wasiirkani baxsado, waxayna ku doodayaan in 67 xildhibaan oo muran ka taagnaa qaabka lagu doortay uu dacwad ka furi doono, taasoo lagu cabsiinayo xidhibaanada.

Ad

Dhinaca kale xildhibaanada taageersan xukuumadda ayaa ku qasbanaaday inay difacaan wasiir Xoosh, waxaana xafiiska Ra’iisal wasaaraha u sheegay dhammaan wasiirada xildhibaanada ah inay tagaan Baarlamaanka si ay u difaacaan wasiirka, isla markaana soo jiitaan xildhibaanada saaxiibadood ah si ugu yaraan cod loogu waayo haddii ay dhacdo in loo codeeyo kalsoonida wasiirka.

Xaaladda ayaa gaartay meel sare, waxaana fadhiyada siyaasadda dalka iyo xafiisyada sare laga dareemay in lagu jiro xaalad kacsan oo siyaasadeed, taasoo ka dhalatay  feker iyo farriin yar oo uu baraha bulshada ku qoray Wasiir ka mida xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

- Advertisement -

Kulanka maanta ee Baarlamaanka wuxuu tijaabo u yahay dowladda Farmaajo iyo Kheyre oo u muuqata inay abuurtay cadaawad ay ka maarmi karto, waxaana koox waliba ay miisaami doontaa taageerada ay baarlamanka ku heysato.

Kulankii hore ee Baarlamaanku arrintan uga dooday ayaa lagu sigtay in qas iyo iska fara-saar uu ka dhaco Baarlamaanka. waxaana maanta laga cabsi qabaa haddii aanay guddoonku xakameyn in xaaladu fara ka baxdo.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON