Madaxweynaha xilkiisu dhammaanayo ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si aan la fileyn uga tanaasulay inuu mar labaad isu sharxo xilka madaxweynaha Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare ayaa shirarkii Dhuusamreeb I iyo II ka sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu xilka ka dhammaanaya mar kale isu sharxo, waxaana la ogaaday in arrintan ay salka ku heyso heshiis dhex maray madaxda dowladda federaalka iyo Madaxweyne Waare oo qeyb ka ah qorshe uu Madaxweyne Farmaajo ka damacsan yahay Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare ayaa la sheegay inuu tanaasulkiisa ku bedeshay xil looga raadinayo urur Goboleedyada IGAD iyo AU, iyadoo sidoo kale warar xogogaal ah sheegeen inuu madaxda dowladda ka helay taageero maaliyadeed, wuxuuna 28 bishan Ogost magacaabay Guddiga soo xulista xildhibaannada Hirshabeelle.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo xilka Hirshabelle hayey 3 sano, ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii mooshinka lagu riday ee Cali C/llaahi Cosoble oo sanad kaliya xilkaasi hayey.