Thursday, April 24, 2025

XOG: Muxuu Guddoomiye Mursal u diiday inuu keligiis Go’aan ka gaaro Mooshinka Madaxweyne Farmaajo?

Kulan muddo qaatay oo dhex maray Guddoomiye Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad aan la faahfaahin iyo heshiis shaqsi ah oo ay gaareen guddoonka Baarlamaanka.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen xildhibaano is abaabulay ayaa ka dhacay Hotelka Pradise, waxaana gabagabadii lagu sheegay inay is-afgarad gaareen Guddoomiyaha iyo ku xigeenada Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Xogta laga helayo kulanka ayaa sheegaya in lagu gaaray heshiis hordhac ah, waxaana saddexda mas’uul ay iska saamaxeen wixii dhex maray, ayna isla garteen wada sii socoto wada-shaqeeytooda, iyadoo meel la iska dhigayo khilaafkii ka dhex taagnaa.

Ad

Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu diiday in lagala hadlo Mooshinka xil ka qaadista MadaxweyneFarmaajo, sida ay sheegeen ilo xogogaal ah, isagoo ku dooday inuusan keligiis arrintan go’aan ka qaadin karin, wuxuuna intaas ku daray inuu arrinta kala hadli doono labada dhinac ee ay quseyso ee Madaxweynaha iyo Xildhibaannada mooshinka wada.

Wararka qaar ayaa sheegay in weli la isku hayo labada arrin ee ugu weyn ee dhex taalla Guddoonka oo kala ah: Mooshinka Madaxweynaha iyo Guddiga Maaliyadda oo Guddoomiye Mursal uu ku dhegan yahay ayna ku xigeenadiisa la qaateen inuu sii shaqeeyo oo sidiisa loo dhaafo, taasoo bedelkeed laga yaabo inuu xal u keeno, soona afjaro mooshinka madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON