Xiriirka u dhaxeeya Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay, kadib qaabka loo maamulay doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabtay Muqdisho iyo, Dhuusamareeb iyo Baydhaba.
Musharixiinta ayaa ku eedeeyay inuu sii wado doorashada la boobayo, halkii ka sugayeen in la hakiyo, isla markaana uu bogaadiyey boobka doorashada, waxayna si cad markii ugu horeysay wadajir u so osaareen go’aan ay cambaareynayaan kaalinta Rooble ee doorashada oo ay ku dhaliilayaan inay gaabis tahay.
Midowga Musharixiinta oo la saftay Ra’iisal wasaaraha, isla markaana xubno ka mida ay si xoog leh iusugu khilaafeen qoraallo ay soo saari lahaayeen in lagu xuso magaciisa iyo inkale, ayaa hadda si toos ah eedeyn ugu jeedinaya.

“Goluhu Midowga Musharixiinta waxay sheegeen inay Raysal wasaare Maxamad Xuseen Rooble ka dalbadeen in la hakiyo doorashooyinka. Laakiin waa wax laga xumaado in taas bedelkeeda uu Rooble dhiirrageliyey sii socoshada doorashada uu boobkeedu u muuqdo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba, isagoo ammaan u soo jeediyey madaxdii boobka loo haystay, kana dalbaday kuwa aan weli billaabin in ay degdeg u billaabaan.
Hanjabaadda Midowga Musharixiinta ee ah inaysan aqoonsan doonin Doorashada golaha Shacabka ee socota iyo inay maamul kale dhisi doonaan ayaan la ogeyn halka ay gaari doonto, iyadoo qaarkood aysan qabin go’aanaddaasi.
Rooble iyo Guddiyada Doorashada ayaa ugu danbeyn hadda lagu tijaabinayaa inuu tallaabo ka qaadi karo Guddiyada maamul Goboleedyada ee leh khaladaadka Doorashada oo awoodiisa u adeegsan karo iyo go’aannada Guddiga xalinta khilaafaadka ka gaari doonaan lixda kursi dacwaddu ka taallo, kuwooda ugu culus e HOP067 iyo HOP103.

.