Saturday, December 14, 2024

XOG: Maxay kusoo dhammaaday Wadahadalkii Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka?

Kulamo ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynaha Soomaliya iyo Siyaasiyiin caan ah ayaa kusoo dhammaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin, balse lagu kala tegay.

Xubnaha la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mida Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Keyre iyo xildhibaannada C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo C/qaadir Cosoble Cali.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ka carooday kulan ay caasimadda ku qaban lahaayeen Siyaasiyiintan ayaa waanwaan kadib uu ogolaaday inuu la kulmo, waxaana laba kulan oo dhex maray xubnahan iyo Xasan Sheekh la isku dhaafsaday dood adag.

Ad

Qodobadda la isku mari waayey waxaa ugu weyn wax ka bedelka nidamka dowladda Federaalka ee Qorshaha Xasan Sheekh oo ah in dalku yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen doorasho toos ah ku yimaada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeystay fekirkiisa iyo inuu Barlamaanka u mari doono , waxaana ugu danbeyn lagu kala tegay Xeelad ah in Guddi arrinta loo saaro, lana sugo Doorashada Puntland.

Qaar ka mida Siyaasiyiintii ka qeyb galay shirka ayaa laga soo xigtay in Xasan Sheekh aanu wax tanaasul ah diyaar u ahayn, isla markaana ku socdo qorshe uu isagu dejistay oo la mida qorshihii ka fashilmay Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON