Sunday, April 27, 2025

XOG: Maxay Ciidamada Dowladda iyo Galmudug uga baxeen Degaanada Koonfurta Mudug?

Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa magaalooyin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ee degaanka ka baxeen maalmihii ugu danbeeyay, taasoo keentay su’aalo badan oo ku saabsan sababaha dhaliyay arrintan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ay wehliyaan dagaalyahananada degaanka ayaa banneeyay magaalooyinka Caad, Camaara iyo Magaalada Bacaadwayne ee koonfurta gobolka Mudug.

Magaalooyinkan ayaa ciidamo iyo dad badan oo degaanka ah ku dhinteen si looga saaro Alshabaab, balse muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa yimid dib u dhac keenay inay dagaallo ka dhacay degaanka Caad, kadib ay isaga baxaan saddexdaas magaalo.

Ad

Alshabaab ayaa soo bandhigay maleeshiyadeeda oo ku sugan Bacaad-weyn, mana jiro wax War ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug iyo Talisyada ciidamada dowladda iyo dowladda Federaalka.

Xogta laga helay furimaha dagaalka ee Galmudug ayaa sheegaya in ciidamadan ka baxay degaanada Alshabaab laga xoreeyay sanad ka hor, waxaana la sheegay in ciidamada oo ka gadoodsanaa sahay la’aan iyo ballamo ay uga baxday dowladda Federaalka ay sababeen inay ka baxeen magaalooyinkaasi muhiimka ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu ku sii jeedo degaanada ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada ee Galmudug si uu xal ugu helo arrimaha ay ka cabanayaan ciidamada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON