Saturday, March 22, 2025

XOG: Maxaa lagu helay Wasiirka Ganacsiga? (Heshiis uu la wareegay iyo Baaritaan lagu bilaabay)

Qaar ka mida Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta ah ayaa xilligan kala guurka qaaday tallaabooyin isugu jira musuq iyo ku takri fal awoodeed, waxaana wasiiradaasi ka mida Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo arrintiisa soo shaac baxday.

Wasiirkan wuxuu la wareegay Qandaras ku saabsan Tayo dhowrka oo howshiisu socotay muddo ayna shirkado kala duwan tartan ku jireen, arrintan oo isaga ka horeysay, wuxuuna heshiis gaara la galay shirkadda Maru Port Service LTD, kadibna khilaaf ka dhashay heshiiskaasi ayuu xilkii ka qaaday madaxdii Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed (Halkan ka Akhriso).

Tallaabooyinka uu qaaday Wasiirka Ganacsiga ee lagu soo eedeeyay sida ku cad qoraal ka yimid Hayadda Tayo-dhowrka, waxaa ayiday Hanti dhowrka Qaranka, waxayna kala yihiin:

Ad

1- Sida ku cad warqadda summaddeedu tahay (Xeer Wasiir Lambar 3) ee ku taariikheysan 25/12/2021, iyo warqadda summaddeedu tahay (WGW/XW/001/2022) ee ku taariikheysan 06/01/2022. Wasiirku wuxuu hab-raac sharci-darro ah ugu wareejiyey shirkad lagu magacaabo “Maru Port Service LTD” shaqadii Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ee ay mas’uulka uga ahayd Qaranka. Sidoo kale wasiirku wuxuu bixiyey qandaraas malaayiin dolor ku kacayo oon laga qayb-galin dhamaan hay’adihii dowladda ee shaqada ku lahaa iibka qaranka.

2. Markii uu Wasiirku tallaabadaas Sharci-darrada ah sameeyey, Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed waxay soo saartay warqadda summaddeedu tahay (HTS/0125/22) warqadaas oo ay ku codsatay in “Baaris Madax-bannaan” lagu sameeyo hab-raaca lagu qaatay Hay’adda Maru Port Service LTD iyo hufnaanta loo maray Qandaraaskaas.

3. Sidaas darteed arinta wasiirku sameeyey waxaa ku socda baaris madax banaan oo sharci ah sida ku cad warqadda summaddeedu tahay (HTS/0125/22) kuna socotay Xafiiska hantidhowraha guud ee qaranka iyo hay’adaha kale ee dowladda oo ay khusayso. Sidaas darteed qofna sharciga kama wayna, waana xad-gudub kale markii la dacweeyey in wasiirku uu awood isticmaalo.

- Advertisement -

4. Qandaraaskaan waxaa gacanta ku hayey Guddiga libka Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda, World Bank, FGC, Haya’dda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, Wasaaradda Ganacsiga iyo Hay’addo kale oo dowladeed. oo kuligood Wasiirku la baal maray, kuna war helay Baraha bulshada (Social Media ah).

Dhinaca kale Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa Qoraal u diray Wasiirka iyo madaxda dowlada, kaasoo lagu faahfaahiyey sida uu Wasiirku uga xadgudbay Nidaamka Qandaraasyada dowladda, si awood ahna isugu dayey aan sharci loo marin. (Akhriso Qoraalka Hanti dhowrka)

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON