Waxaa shalay soo baxay qoraal ay Midowga Musharixiinta shaki uga muujiyeen dhexdhexaadnimada Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraalkaas oo ay faafiyeen xubno ka mida Musharixiinta ayaa xilli danbe waxaa ka daba yimid diidmo aan heerkeedu sareyn oo mid ka mida gacan-yareyaasha musharax C/raxmaan C/shakuur uu qoraalkaasi ku tilmaamay mid ay dad gaara qorteen, taasoo laga dhigay khilaaf u dhaxeeya Musharixiinta, aadna loo buunbuuniyey.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inuusan jirin khilaaf la sheegi karo oo Qoraalka lagu eedeeyay Maxamed Xuseen Rooble uu dhaliyey, ayna isku waafaqsanaayeen dhammaan musharixiinta, waxaase khalad dhacay uu ahaa in la faafiyey iyadoo aan la go’aamin la faafiyo, lana marin hanaankii soo saarista war-saxaafadeedyada.
Ma jirin musharax ka mida Golaha oo si toos uga hadlay qoraalkan ama diidmo weyn kala hor yiid, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mida Musharixiinta, waxaana dhacdadan la sheegay inaysan wax sameyn ah yeelan.
Kulamo kala gaara iyo mid guud ahaa u socdo xubnaha Midowga Musharixiinta, waxaana mar kale maanta kulmay madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, iyadoo kulan guud lagu wado inay Musharixiinta yeeshaan Caawa.