Sunday, February 16, 2025

XOG: Maxaa ka jira in Xilka laga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..?

Waxaa isa soo taraya wararka ku saasban xil ka qaadista Guddomiyaha Gobolka Banaadir Guddomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu wayo xilka.

Guddoomiye iyo inta badan ku xigeenadiisa khilaaf uu kala dhaxeeyo ayaa waxaa soo shaac baxday in awoodii Guddoomiye ku xigeenada Gobolka uu la wareegay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Dkiiriye oo si gaara ugu dhow Guddoomiyaha.

Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya waxaa sii yaraatay kalsoonida Madaxweynaha ku qabo Guddoomiye Yuusuf Madaale oo ka tirsan Xisbigiisa UPD, taasoo keenay inuu bilaabo raadinta qofkii lagu bedeli lahaa.

Ad

Waxaa soo baxaya shaqsiyaad u sharxan oo xafiiska Madaxweynaha uu xiriir La sameeyay iyo kuwa xusul duub ugu jira sidii ay heli lahaayeen guddoonka Gobolka Banaadir, waxaana ka mida:

Yuusuf Xasan Maxamed (Yuusuf Yare) oo kasoo jeeda Beelaha Degaanka Muqdishom, kaasoo ka mida Madaxda Hay’adda Bisha cas, soona maamulaha Isbitaal Keydsaney, waxayna wararku sheegayaan in musharaxan uu ka cudur daartay qabashada xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa kaloo xilkan xusul duub ugu jira Musharax: Ismaaciil Csmaan oo  hore u soo noqday taliye ku xigeenka NISA, haddana ka mida taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xil suge ah muddo sanad ka badan.

- Advertisement -

Waxaa kaloo jira shaqsiyaad iskood u raadinaya xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ah jago si weyn loogu xisaabtamo iyo awood qeybsi ay ku loolamaan Beelaha uu kasoo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayey muddo 4 bilood ay ku qaadatay inuu xilka ka qaado Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Cumar Filish, soona magacaabo Yuusuf Madaale oo xisbigiisa ka mida, waxaana la filayaa in xil ka qaadista Guddoomiyaha xilligan ee Gobolka Banaadir ay waqti qaadato inta laga helayo qof madaxweynuhu ku kalsoon yahay.

Haddii ay dhacdo xilka ka qaadista Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, wuxuu noqon doonaa qofkii labaad ee muhiim ah oo uu xilka ka qaado muddo sanad gudihiis ah, iyadoo dhowaan xilkii laga qaaday Wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxud Nuur oo ka mid ahaa xisbiga Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON