Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xaaladda Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Waare oo magacaabay Guddiga Farsamada iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa dib uga noqay arrintaasi markii uu qoraal labaad ku sheegay in Guddiga uu qabyo yahay, isla markaana doorashada ka hor loo baahan yahay dib u heshiisiin, laakiin wixii markaas ka dambeeyay ayaa la waayey dhaqdhaqaaqiisa xilli ay socoto qabanqaabada Doorashada Hirshabeelle.
Maxamed Cabd Waare ayaa qorsheynayay inuu toddobaadkii hore tago magaalada Beledweyne, waxayna xogta la helay sheegeysaa in diyaaradii uu qaadan lahaa ay cudurdaar siisay, kadib markii si xirfadeysan loogu wargeliyey inaysan wafdigiisa qaadi karin ballamo hore dartood.
Waxaa isa soo taraya in Madaxweynaha xilka Hirshabeelle sii haya ee waqtigiisu ku ekaa 17-kii Oktoobar uu wajahayo cadaadis uga imaanaya madaxda dowladda Soomaaliya iyo farsamooyin looga reebayo inuu ka baxo Muqdiso, inkastoo aan si rasmi ah xabsi guri loo gelin, taasoo keentay inuu ka bixi waayo caasimadda Muqdisho.