Kulan gaara ayaa habenkii Arbacadda dhex maray taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee Fahad Yaasiin Xaaji iyo qaar ka mida agaasimeyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee Muqdisho, iyadoo warar kala duwan laga faafiyey kulankaasi.
Kulanka oo uu diyaariyey agaasimaha dhinaca Warfaafinta u qaablisan Madaxtooyada ayaa loogu yeeray warbaahin gaar oo lasoo xulay, kuwaasoo u badan TV-yo xiriir la leh madaxda Dowladda Somaaliya, iyadoo markii hore aan loo sheegin inay la kulmayaan Agaasimaha NISA, balse markii danbe oo goobtii loo diyaariyey la geeyay ay la kulmeen qofkii u yeeray oo ahaa Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Sida ay sheegeen xubno kulanka ka qeyb galay wuxuu ahaa kala war qaadasho, wuxuuna Fahad Yaasiin uga warbixiyey xaalada Amniga Muqdisho, isagoo kadibna ka wareystay aragtidooda, waxaana halkaasi lagu weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan xaaladda magaalada iyo ku shaqsi ah, iyadoo aanay jirin hanjabaad iyo amarro la bixiyey midna, balse uu si degan uga jawaabay.
- Fahad Yaasiin oo ku hanjabay inuu Dacwad kusoo oogayo Xildhibaan Su’aal kulul weydiiyey (Dhageyso)
Marka laga reebo in laga reebay telefoonada, loona diiday kulanka la duubo ama sawirro laga qaado iyo qaabka kulanka loo agaasimey oo qarsoodi ah ma jirin xaalad kale oo ay ka sheegteen xubnihii lagu casuumay kulankaasi oo u muuqday mid bilow u ah xiriir nooc cusub ah oo salka ku haya wada-shaqeyn dhex marta labada dhinac oo ku saabsan xaalado soo socda.
Fahad Yaasiin ayaa ah saxafi hore oo u soo shaqeeyay Telefishanka Aljazeera, laakiin markii uu siyaasadda ku biiray ayuu isu bedelay nin jecel inuu is qariyo oo daasha gadaashiisa uu howlaha ka maamulo, iyadoo la ogyahay kulan loogu yeeray Baaralmaanka si su’aalo loogu weydiiyo April 2019 in dalabkiisa looga dhigay kulan xiran oo loo diiday saxaafadda.
HOOS KA AKHRISO