Dhacdo lama filaan ah ayaa Galabta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii ciidamada Madaxtooyada ay si awood sheegasho ah kula wareegeen Gaari uu lahaa la-taliyaha Ra’iisal wasaarihii hore Yaxye Cali Hareeri.
Gaariga oo ahaa nooca Toyota Hilux ee aanay rasaastu karin ayaa xarunta madaxtooyada geeyay xoghayihii hore ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo 25-kii July 2020 xilkii laga qaaday, waxaana intii aanu ka bixin Madaxtooyada ay ciidamada Madaxtooyada si awood ah uga qaateen darawalkii Gaariga waday iyagoo si xun ula dhaqmay.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Gaariga marka ay ciidamada Madaxtooyada ku qamaameen aysan la socon Yaxye Cali iyo xoghaye Axmed Nuur midna, waxaana lagu khalday Gaari noocan oo kale ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneysay inay kasoo celiso Xoghayihii xilka laga qaaday ee Axmed Nuur Maxamed.
Falkan oo fadeexad ku noqday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa keenay in dib loo soo celiyo Gaarigii Yaxye Cali Hareeri, isla markaana xilka laga qaado xoghayaha sida KMG ah dhowaan loo magacaabay ee ka yimid Xafiiska Madaxweynaha C/risaaq Caato, sida uu ku dhawaaqay Sii-hayaha Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Falka maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa u muuqda in dusha loo saaray xoghayihii shanta maalmood magacawnaa, xafiiskana fadhiyey 3 maalmood oo kaliya ee C/risaaq Xuseen Aadan.

Wiilkan ayaa magacaabidiisa timid intii aanu is casilin Ra’iisal wasaare Kheyre xilli ay Madaxtoyada Soomaaliya cabsi ka qabtay inuu Xasan Cali Kheyre diido kalsoonida uu kala noqday Baarlamaanka; wuxuuna isla markii xilka lagu wareejiyay 28-ka July bilaabay inuu u dhaqmo sida hanti dhowr doonaya inuu la wareego hantida Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ay ku jirto Gaari uu watay ninkii xilka uga horeeyay.
Sharci ahaanta xilka uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed, oo isna maraya magacaabidda xoghayihii labaad ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxay la yaab ku noqotay sharci yaqaanadda iyo siyaasiyiinta.

Jaha-wareerka ka taagan Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa salka ku haya qorshe ay madaxtooyada Soomaaliya ku dooneyso inay ku maamusho xafiiskaasi oo aan loo ogolaan inuu ku-sime shaqada u sii wadaan Ra’iisal wasaarihii hore iyo Xogheyntiisii.