Sunday, February 16, 2025

XOG: Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka hortegay Qorshe ay Qoorqoor iyo Lafta-gareen ku fashilin rabeen…

Wakiilada Beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka hortegay qorshe lagu fashilin lahaa shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay maanta.

Sii-haya Safiiradda Mareykanka iyo safiirka Ingiriiska oo kaashanaya Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa kulamo la yeeshay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee ka qeyb galaya shirka Wadatashiga, waxayna kala hadleen ka qeybgalka shirka iyo ajendayaasha looga hadlayo.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ay wadeen qorshe ay ku diidan yihiin tallaabooyinka uu qaaday Ra’iisal wasaare Rooble, ayna dooonayeen in ka hor yimaadaan hogaankiisa doorashada, taasoo halis ku ahayd shirka.

Ad

Qoorqoor iyo Lafta-gareen oo xiriir dhow la leh madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qorsheystay inay difaacaan xubnihii guddiyada ee uu xilka qaaday Rooble.

Lafta-gareen ayaa si cad u diiday inay jiraan wax khalad ah oo Doorashada Golaha Shacabka ka dhacay, wuxuuna hore u qaadacay inuu ka qeybgalo shirka uu ku baaqay Rooble, laakiin cadaadis ay saartay beesha caalamka ayaa lagu ogoleysiiyay.

Qoorqoor oo isna ka careysnaa tallaabadii xilka looga qaaday Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer federaal ayaa waxaa khilaafka kala dhaxeeya Rooble waanwaan ka galay Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre.

- Advertisement -

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Qoorqoor iyo Lafta-gareen ku cadaadisay inay la shaqeeyaan Ra’iisal wasaaraha, ayna qeyb ka noqdaan sixitaanka Doorashada Golaha shacabka, waxayna taasi keentay inuu toddobaad kadib maanta furmo shirki Golaha Wadatashiga ee Ra’iisal wasaaraha ku baaqay, iyadoo uu meesha ka baxay shirkii uu watay Farmaajo.

Inkastoo lagu guuleystay furitaanka shirak Wadatashiga, waxaa haddana laga cabsi qabaa in Qoorqoor iyo Lafta-gareen ay ka biyo diidaan qodobo ka mida arrimaha shirka horyaala, sida in hal magaalo lagu soo koobo goobaha doorashada ee maamul Goboleedyada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON