Sunday, April 27, 2025

XOG: Magacyada Dil-Sugeyaashii Alshabaab ee ka dhex dagaalamay Xabsiga Dhexe

Xog cusub ayaa laga helay Maxaabiistii Alshabaab ee fulisay weerarkii maanta ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Caasimadda Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 10 qof.

Maxaabiista Alshabaab ayaa si qarsoodi ah u helay Hub u badan Bistoolado iyo Bambooyinka gacanta oo Xabsiga loogu geeyay, waxayna weerar ku qaadeen ilaaladii xabsiga, iyagoo muddo saacado ah ka dhex dagaalamay xabsiga.

Waxaa la xaqiojiyey in Maxaabiista Alshabaab ee Xabsiga dagaalka ka fuliyay ay kala ahaayeen:

Ad

1- Fu’aad Aadan Cabdi oo Dil lagu xukumay April 2024

2- Liibaan C/llaahi Weheliye oo iska Dil lagu xukumay April 2024.

3- Maxamed Daahir Abuukar (Ibraahim) oo laba jeer Dil lagu xukumay 2022.

- Advertisement -

4- Axmed Sahali Cali oo xukun Dil lagu riday Jan. 2023

5- Iyo Ismaaciil Xasan Salaad Nuur oo xukun xabsi daa’in ah ku xukunnaa

Afhayeenka Taliska Asluubta ayaa sheegay inay weerarka Xabsiga Dhexe ku dhinteen 5-dagaalyahan, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 18 kale.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed C/qani Maxamed Khalaf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta ay ku dhinteen Weerarkaasi, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Saddex kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON