Monday, October 2, 2023

XOG: Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub iyo Wasiirada khilaafka ugu badan ka taagan yahay

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa weli ku howlan dhammeystirka Liiska Golaha Wasiirada xukuumadiisa cusub oo muddo 10 maalmood oo dheeraad ah uu siiyay Baarlamaanka.

Maalmihii ugu danbeeyay ayuu Ra’iisal wasaaraha kulamo is daba joog ah la yeelanayey qeybaha bulshada, isagoo kala hadlayey dhismaha xukuumadda, waxaase la ogyahay in kulamadaas aan lagu soo qaadin awood qeysiga iyo xulista wasiirada oo shirarka muhiimka ah ay dhacaan habeenadii, ayna u dhaxeeyaan Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo guddoonnada labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in xilalka la isku hayo ay ugu horeeyaan laba jago wasiir oo ay kala leeyihiin jufooyin kasoo kala jeeda beelaha ay metelaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare C/llaahi Timacadde.

Ad

Xilka Wasiir ee Beelaha uu metelo Sheekh Aadan Madoobe waxaa ku heysta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kala wataan laba shaqsi, arrintan oo weli laga heshiin, isla markaana keentay in Sheekh Aadan Madoobe culeys ku noqdo rabitaanka Xasan Sheekh.

Xilka wasiir ee Beesha uu kasoo jeedo C/llaahi Timacadde ayaa isna la isku hayaa cidda la siinayo, waxaana laba shaqsi oo kala duwan kala wata Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare.

Marka laga soo tago labadan xil wasaaradeed ee khilaafka ugu weyn ka jiro, waxaa kaloo jira xilal ka badan 10 wasiir iyo wasiir ku xigeen oo aan go’aan kama danbeys laga gaarin qofkii kusoo bixi lahaa oo laba ilaa saddex qof u sharxan yihiin, kuwaas oo go’aan ka gaaristooda aysan adkeyn.

- Advertisement -

Ugu danbeyn waxaa la filayaa in Golaha Wasiirada cusub lagu dhawaaqo maalmaha soo socda iyadoo 10-ka berri ee Ra’iisal wasaare Xamza loo kordhiyey mudadda magacaabista ay ku eg tahay aakhirka toddobaadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hore albaabada uga xirtay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ayaa maanta bilaabay inuu kulamo kala gaara la yeesho xidhibaannada oo qaab dowlad Goboleed uu ula kulmayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!