Saturday, April 19, 2025

XOG: Magaalada Muqdisho oo Galeysa Xaaladii Amni oo Cusub & Sanbaloolshe oo dejiyay Qorshe

Magaalada Muqdisho ayaa maalmaha soo socota galeysa xaalad amni oo adag iyo howlgallo aan hore loo arag.

Xogta ay heleyso Goobjooge ayaa sheegaya in lagu dhaqmi doonto Qorshe Amni oo uu dejiyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA, kaasoo magaalada laga sameynayo howlgal weyn oo aan hore u soo marin.

Qorshaha Sanbaloolshe ayaa magaalada loo kala qeybiyay qeybo kala duwan oo mid kasta go’doomin dhinaca ammaanka ah la gelin doono iyadoo howlgalkan lagu soo beegay 17-ka Ramadaan oo ku beegan Maalintii uu dhacay dagaalkii Beder, kaasoo inta badan kooxda Alshabaab ay qaadi jireen weerarro culus.

Ad

Ciidamada xasilinta magaalada ee howlgalka wada ayaa bandow ku soo rogi doona magaalada, waxaana la filayaa in dadka Muqdisho lagu amro inay guryahooda joogaan xilliyada qaarkood.

Dhaqdhaqaaq madaxda dowladda iyo saraakiisha ayaa yaraan doona maalmaha soo socda, iyagoo laga feejigan yahay weerarro ay damacsan yihiin Alshabaab oo bishan Ramadaan ay hoos u dhacday weerarradii tooska ahaa oo ay qaadi jireen, inkastoo ay kordhiyeen dilalka khaarijinta ah.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON