Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi ayaa maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalado Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.
Madaxweyne Waare ayaa socdaalkiisa degdeg ah ee uu dib ugu laabanayo magaalada Jowhar wuxuu ka danbeeyay markii xalay mooshin ay ka geeyeen xildhibaanno gaaraya 54 oo Baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan, kuwaasoo kusoo eedeeyay xil gudasho la’aan.
Wararka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ug jirto inay hakiso mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Waare oo dhowaan ay heshiis la gashay, waxaana garoonka ku sii sagootiyey wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ahaa kuwii kasoo shaqeeyay heshiiskaasi.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegay in mooshinka laga keenay Madaxweynaha Hirshabeelle oo ay gudoomeen guddoonka baarlamaanka Hirshabelle ay hoos ka wadaan kooxo taabacsan madaxweynihii hore ee ssoomaaliya iyo xildhibaanno ka careysan inaan muddo bilo ah la siin mushaarkoodii.
Waare ayaa wada qorshe uu doonayo inuu ku kala furfuro mooshinka ka yaalla, iyadoo rajo laga qabo inuu ka badbaado mooshinkan.