Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa laga sugayo inuu soo saaro Liiska musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee laga soo doorto Galmudug ayaa wajahaya culeys weyn oo siyaasadeed.
8-da Kursi ee Aqalka Sare, lagana soo doorto Galmudug ayaa ka duwan maamul Goboleedyada kale, taasoo ay ugu wacan tahay in musharixiinta kasoo jeeda Galmudug ay hubeysan yihiin, isla markaana siyaasiyiin saaxiib la ah Qoorqoor ay doonayaan in ay bedeshaan kuraasta oo senatoorada qaarkood ay noqdaan xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
Waxaa xaaladda Galmudug sii adkeeyay iyadoo siyaasiyiin caan ah ay doonayaan inay ku tartamaan kuraasta Aqalka Sare, halka iyo qaar kale dadaal ugu jiraan inay meesha ka saaraan mushariixin saameyn leh si looga hor istaago inay tartamaan ama kuraasta loo weydaariyo.
Madaxweynihii hore ee Galmudud Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegay inuu u tartamayo kursiga uu hadda ku fadhiyo Cabdi Qeybdiid ayaa arrintiisa sabab u noqoneysaa inay saameyn ku yeelato kursiga golaha shacabka ee uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.
Senator Yuusuf Geelle oo ka mida xubnaha saameynta leh ayaa doonaya inuu u wareego Golaha shacabka, taasoo ah farsamo u baahan shaqo adag, halka C/weli Goonjeex oo Farmaajo u dhow kursigiisa isbedel beeleed ku imaanayo.
Imtixaanka siyaasadeed ee horyaalla Madaxweyne Qoorqoor ayaa ah tallaabada koowaad ee lagu ogaan doono awoodiisa hoggaamineed iyo xalinta khilaafaadka maamulkaasi ka dhalan kara ee arrimaha doorashada 2021.
