Friday, March 28, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo saaxiibkiis Fahad Yaasiin u magacaabaya xil ay dalbatay Dowladda Qatar

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  la sheegay aqbalay dalab uga yimid dowladda Qatar oo ku saabsan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha Amniga ee Madxweynaha Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay codsi hordhigtay Amiirka Dalka Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay Qatar inay waanwaan ka dhex furto kooxda Alshabab iyo dowladda, isla markaana dib u heshiisiin guud laga sameeyo Soomaaliya, taasoo ka mid ahayd qodobaddii madaxweyne Farmaajo la tegay dalka Qatar socdaalkiisii ugu danbeeyay.

Ad

Lama oga in Fahad Yaasiin noqon doono la-taliyaha arrimaha dib u heshiisiinta iyo inuu booska kala wareegi doono la-taliyaha iminka xilka haya ee  Xuseen Macallin Maxamuud.

Qorshe dhaqaale badan ku baxayo oo dib u heshisiin ah, kaasoo laba qeybood isugu jira ayaa la sheegay in dowladda Qatar ay maalgelin doonto, kaasoo wasiirka arrimaha dibadda Qatar uu sheegay inay la kaashanayaan dalal kale oo aanu magacaabin.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON