Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo weli wada dadaal uu ku doonayo inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub ayaa wajaha cadaadis uga imaanaya dhinacyo kala duwan.
Beesha Hawiye ayaa awood qeybsi ahaan u leh in laga magacaabo xilkan, laakiin waxaa madaxweynaha dalab adag u gubiyay madaxweynaha Galmudug Cabd Axmed Kaariye (Qoorqoor) oo ka dalbaday inuu xilkan u magacaabo xubin kasoo jeeda Beesha H/Gidir, isagoo gacanta u geliyay laba musharax oo uu watay si xilka Ra’iisal wasaaraha loogu magacaabo.
Dalabka Madaxweyne Qoorqoor waxaa sii xoojiyey Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Madaxweynaha kasoo jeedo oo dhowaan kulan gaara la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, waxayna waxgaradka Beesha Mareexaan oo saameyn leh kula taliyeen Madaxweyne Farmaajo inuu xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabo siyaasi kasoo jeeda Beesha H/Gidir, iyagoo uga digay beesha Abgaal oo ay sheegeen inay halis gelin karto Dib Qorshihiisa Doorashada.
Musharixiinta ilaa iyo hadda la hadal hayo in loo magacaabayo xilka Ra’iisal wasaaraha waxaa ugu safka hore ku jira siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha H/Gidir oo ay ugu horeyso beesha Sacad. Hanad C/llaahi Axmed Caddow oo ah Wiil uu dhalay Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey C/llaahi axmed Caddow ayey Madaxtooyada Soomaaliya dibadda uga yeertay, kaasoo loo wado xilka Ra’iisal wasaaraha, waxaana ilaa 4 musharax oo akle oo isla beeshan kasoo jeeda oo u taagan xilkan.
Musharaxa kaliya ee kasoo jeeda Beesha Abgaal oo Madaxtooyada looga yeeray waa Wasiirka xilligan sii haya Wasaaradda Ganacsiga C/llaahi Cali Xasan, kaasoo rajadiisa aysan xoogeysan intii wareysiga lala yeeshay.