Friday, March 28, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo kulan Gaara la yeeshay Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaara goor dhoweyd la yeeshay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa labaad.

Shirkan oo goordhow ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa ka dambeeyay kadib markii guddoomiye Jawaari uu ka baaqsaday kulan lagu waday inuu xalay la yeesho madaxweynaha, wuxuuna duhurnimadii maanta yimid xafiiska madaxweynaha iyadoo uu la socdo Mahad Cabdalla Cawad.

Kulanka oo saacad qaatay ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaal muddo qaatay oo lagu doonayo in xal loogu helo mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana lagu warramayaa in xaalada guddoomiye Jawaari ay mareyso heerkii ugu danbeeyay, iyadoo la sugayo qaabka ay u dhaceyso tanaasulka.

Ad

Laba Guddi oo ka socda guddoomiye Jawaari ayaa xalay la kulmay madaxweyne Farmaajo, waxaana dhinacac cagajiidka wadahadalka ka biyo diidsan Garabka wada mooshinka iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey oo ku dhawaaqay in berri la qabanayo shirkii Baarlamaanka oo uu horyaallo ajendaha mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON