Friday, May 16, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo & Agaasimaha NISA oo Qorshe halis ah u dejiyey Doorashada Hishabeelle

Iyadoo ay oo dhowaatay Doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa soo baxaya qorshe Doorasho oo madaxweyne Farmaajo ka damacsan yahay Maamulkaasi, kaasoo fulintiisa loo xil saaray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Goobjooge.net ayaa ogaatay in Fahad Yaasiin uu kulamo la yeeshay Madxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe, iyadoo loo sheegay in dowladdu ku taageereyso inuu isu sharxo Madaxweynaha Hirshabeelle, taasoo uu qaatay, kuna howlgalay, taasoo ka horjeeda heshiiskii lagu dhisay Maamulkaasi oo xilka madaxweynaha Hirshabeelle loo qoondeeyay Beesha Xawaaadle, halka Beesha Abgaal loo qoondeeyay madaxweyne ku xigeen.

Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee hirgelintiisa uu wado Agaasimaha NISA ayaa ku saabsan in Doorashada soo socota lagu soo saaro in Cali Guudlaawe uu noqdo Madaxweynaha Hirshabeelle, taasina ay caqabad ku noqoto ama ay yareyso fursadaha musharixiinta kasoo jeeda Beesha Abgaal ee doonaya inay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kursiga kula tartamaan Doorashada soo socota.

Ad

Halista qorshahan xambaarsan yahay ayaa ah inuu keeni karo kala tagga maamulka Hirshabeelle oo markii horeba ku dhisnaa khilaaf, waxaana cad in Beesha Hiiraan ugu weyn ay ka hor imaan doonto qorshahan, iyadoo xaaladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay mar kale noqon doonto laba gobol oo kala taagan, sida Gedo iyo Jubbooyinka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa go’aansaday inuusan xilka mar kale isu sharxin, taas bedelkeedna ay dowladda Madaxweyne Farmajo ay xil kale la raadineyso, waxaana uu xalay magacaabay Guddi soo xulaya xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle oo ay ka muuqato in xilka Madaxweynaha loo wado Cali Guudlaawe. (Akhriso)

Waxaa la yaab leh in siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Abgaal ay hadda bilaabeen taageerada qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee meesha looga saarayo awood qeybsigii isku hayey Hirshabeelle (Hiiraan iyo Sh/Dhexe), iyadoo aan la eegin waxa ka dhalan kara.

- Advertisement -

Xilligan oo kale Bishii Ogost 2017 waxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ee dowladda Madaxweyne Farmaajo soo saartay go’aan ay ku sheegtay in kursiga Madaxweynaha Hirshabeelle ay ku tartami karaan musharixiinta Beesha Xawaadle oo kaliya, taasoo hadda inqilaab ku socdo.

This image has an empty alt attribute; its file name is Dowladda-soomaaliya-1.jpg

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON