Sunday, May 25, 2025

XOG: Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha oo bilaabay inay kulamo is barbar socda la yeeshaan Odayaasha Beelaha

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya sida madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa bilaabay inay kulamo is barbar socda la yeeshaan beelaha Muqdisho.

Kulan la qorsheeyay inay yeeshaan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo odayaasha Beesha Muddulood ayaa u baaqdayayaa u baaqday sababo aan la sheegin, waxaana maalin kadib kulankaasi uu madaxweyne Maxamed c/llaahi Farmaajo la kulmay Odayaasha Beesha Muddulood oo uu hoggaaminayo Imaamka beesha.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada dalka, arrimaha nabadgelyada Muqdisho, xiriirka dowladda iyo odayaasha dhaqanka iyo arrimo kale iyadoo kulankaasi uu ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo dhowaan uu u guuray Madaxweynaha.

Ad

Qaar ka mida odayaasha shirkaasi ka qeyb galay ayaa sheegay inuu madaxweynuhu qaabilay isagoo Dareyska ciidamada ku lebisan, isla markaana uu isagu dalbaday inuu la kulmo. balse kulanku uu ahaa mid looga hadlay arrimo gaara oo quseeya madaxweynaha iyo beesha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta kulamada isbarbar socda ay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha u raadinayeen inay la yeeshaan Beesha Muddulood, taasoo dhalisay shaki ah inuusan xiriirkooda sidii hore ahayn.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu maalmaha soo socda kulamo la yeelan doono odayaasha iyo waxgaradka beelaha kale oo ay ugu horeyso Beesha HabarGidir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON