Friday, April 18, 2025

XOG: Madaxtooyada Somalia oo Dhaqaale lagu xaliyo Beesha Mukhtaar Robow u dirtay Magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay dhaqaale u adeegsaneyso xalinta dhibaatadii ka dhalatay doorashadii Madaxweynaha K/Galbeed.

Waxaa magaalada Bayadhaba ku sugan, xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey, Wasiirka Cadaaladda iyo xubno kale oo dhammaantood halkaasi u jooga inay xaliyaan beesha uu kasoo jeedo Mukhtaar Roobow si ay u taageerto maamulka C/casiis Lafta-gareen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhaqaale gaaraya 1 Milyan oo Doolar u dhiibay mas’uuliyiintaasi, siiba guddoomiye Mursal si beeshaasi ay xal uga keenaan, iyadoo shirar fara badan oo ka dhacay magaalada Baydhaba ay odayasha beesha dalbadeen in marka hore la sii daayo Mukhtaar Roobow.

Ad

C/casiis Lafta-gareen oo shalay la kumay beeshan ayaa markii ugu horeysay usheegay inay arrinta Mukhtaar Roobow kala hadleen madaxda dowladda arrintiisana meel la saari doono, ayna codsi u diren madaxda dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore loogu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii K/Galbeed, taasoo keentay inuu ku soo baxo musharixii ay wadatay, halka xabsiga la dhigay Mukhtaar Roobow, waxaana magaalada Baydhaba ka dhashay rabshado ay ku dhinteen 15 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON