Monday, March 24, 2025

XOG: Madaxtooyada oo hor istaagtay Magdhow Imaaraadku siin lahaa Senator Cabdi Qeybdiid

Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa sheegay inay noloshiisa halis ku jirto, kadib markii aan xal ah laga gaarin weerarkii gurigiisa ay ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Imaaraadka Carabta.

Xogta aanu heleyno ayaa sheegeysa inuu Imaaraadka Carabta lugaha la galay kiiskii weerarka Guriga Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) isla markaana sarkaalka ugu sareeya Imaraadka ee ka howlgala Muqdisho uu si cad u sheegay inuu raad ka soo galay Guriga Cabdi Qeybdiid, kaasoo ay ka soo raaceen degmada Jilib.

Waanwaan lagu doonayey in arrinta Cabdi Qeybdiid si hoose loo xaliyo oo Imaaradku magdhow lacageed siiyo Senator-ka ayaa fashilintay kadib markii ay ka hor timid Madaxtooyada Soomaaliya.

Ad

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu hor istaagay arrintan, taasoo keentay inuu afka furo Cabdi Qeybdiid, iyadoo warkiisa ay si weyn u faafiyeen warbaahinta dalk Qatar oo loolan uu kala dhaxeeyo Imaaraadka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON