Monday, February 17, 2025

XOG: Madaxda Dowladda Somalia oo Qorshe lagu go’doominayo u diyaariyey Axmed Madoobe

Madaxda Dowladda Somalia ayaa diyaarisay qorshe lagu go’doominayo madaxweynaha dib loo doortay maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kadib markii ay sharci darro ku tilmaantay qaabkii 22-ka Ogost 2019 Kismaayo loogu doortay markii saddexaad.

Waxaa gebi ahaan fashilmay qorsheyaashii ay dowladda Somalia ku dooneysay in uga hortagto dib u doorashada Axmed Madoobe, kadib markii uu taageero ka helay dowladda Kenya, waxaana madaxweyne Farmaajo oo arrinta Jubbaland si gaara u maamulaya ka go’an inaysan dowladda aqoonsan, isla markaana si hoose loo taageero xubnaha ka horjeeda.

Go’aankii xukuumadda Somalia ka gaartay doorashadii Axmed Madoobe oo ay ku diiday inay aqoonsato, waxaa barbar socda taageero hoose oo dowladda ay siineyso siyaasiga ugu weyn ee ka horjeeda Axmed Madoobe oo ah C/naasir Seeraar oo madaxweyne isu magacaabay, iyadoo la filayo in Gobolka Gedo lagu caleemo saaro madaxweyne afraad.

Ad

Ma aha markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe is-mari waa noocan oo kale ah uu la galo dowladda Somalia, waxaana la xusuustaa sanadkii 2013 markii ay isku dhaceen dowladii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo markii danbe lagu heshiisiiyey magaalada Addis ababa.

Beesha caalamka ayaa lagu wadaa inay dhexdhexaadiso labada dhinac, iyadoo aysan suuragal ahayn inay kala taagnaadaan maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka xilli sanad kadib la gelayo doorashada madaxda dowladda federaalka, taasoo u muuqata in Axmed Madoobe uu noqon doono madaxweynaha ay ku fashilantay kooxda N&N ee madaxweyne Farmaajo inay xilka ka tuuraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON