Saturday, May 17, 2025

XOG: Madaxda Dowladda oo la kala saftay musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle

Iyadoo ololaha doorashada maamulka Hirshabeelle uu xowli ku socdo ayaa waxaa soo shaac baxay sida madaxda dowladda u kala taageersan yihiin musharixiinta xilka madaxweynaha ee Hirshabeelle.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo 8 gaaraya ayaa waxaa qaarkood kala taageeraya madaxda dowladda Federaalka, iyadoo mas’uul kasta uu doonayo in musharaxa uu wato loo doorto madaxweynaha Hirshabeelle.

Arrintan ayaa si cad u soo shaac baxday markii Muqdishoy yimaadeen qaar ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Hirshabeelle oo gacansaar la leh madaxda dowladda Federaalka.

Ad

Cabdi Faarax Laqanyo oo hore u soo noqday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa taageero ka heysta Taliyaha NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyo madaxtooyada, isagoo Muqdisho u yimid arrintaasi, si loo dejiyo qorshaha doorashada, wuxuuna isla maanta dib ugu laabtay Jowhar. Sanbaloolshe ayaa olole ugu jira inuusan xilka Madaxweynaha ku guuleysan Daahir Cabdulle oo jufo hoose ay isku yihiin si aanay taasi halis ugu noqon xilkiisa.

Musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo ah nin la sheegay inuu dhaqaale badan heysto ayaa taageero ka helaya Wasiiro ka tirsan Xukuumada Kheyre, iyadoo laga cabsi qabo inuu si lama filaan ah ku soo baxo.

- Advertisement -

Musharaxiinta ayaa Muqdisho u yimid qorshe lagu mideynayo oo midkii ugu bata ay taageeri doonaan inta kale. Musharaxa Maxamed Cabdi Waare oo hore ula tartamay madaxweynihii la riday ee Cali C/llaahi Cosoble ayaa olole adag kula jira musharixiinta ay wadato dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON