Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa mar kale dib ugu biiray kooxda Farmaajo, kana mid noqday ololaha doorashadiisa, kadib markii muddo sanad ah mucaaradka ka tirsanaa.
Maareeye oo dhinaca Farmaajo ka baxay markii uu waayey xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka, kadib ridistii xukuumadii Xasan Kheyre ayaa, kadib ku biiray Garabka Cabdi Xaashi ee dagaal siyaasadeedka adag la galay Famaajo iyo Mahdi Guuleed oo dhinac kasoo wada jeeday.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in kooxda ololaha Dooreashada Farmaajo ay mar kale dib ula heshiiyeen Xildhibaan Maareeye, kadib kulan dhex maray Fahad Yaasiin oo xaal marin lagu siiyey, wuxuuna markaas kadib si hoose uga ka dhex muuqday ololaha Doorshada, siiba dhinaca xildhibaananda Waqooyi.
Xildhibaan Maareeye ayaa abaabulay kulan Villa Somalia ku dhex maray Odayaasha beelaha Dirta Waqooyi iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo 26-kii September 2021, kulanka oo ahaa qarsoodi, wuxuu ku saabsanaa taageerada Farmaajo iyo soo saarista xildhibaannada uu rabo, iyadoo ay markaas bilaabaneysay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.
Waxay kooxda Farmaajo ku taageertay inay meesha ka saarto oday dhaqameed ay isku dhaceen Maxamed Cabdi Maareeye, waxaana mar kale uu kaalin weyn ka qaatey inuu Muqdisho yimaado oday dhaqameedka caanka ah ee Boqor Buur-madow oo kooxda Farmaajo ay casuumeen.
Kooxda ololaha Doorashada Farmaajo ayaa aamisan in Maareeya oo muddo dheer ahaa xildhibaan aan dhicin iyo siyaasi galaangal badan ay u baahan yihiin xilliga doorashada, sidaasina ay ku qasabtay inay dib ula heshiiyaan.
Caqabadda weyn ee kooxda Farmaajo ka heystaa Xildhibaan Maareeye ayaa ah inaysan isku aamini karin iyo rabitaankiisa uu ku doonayo inuu noqdo Ra’iisal wasaare ku xigeen, arrintaas oo ugu danbeynta ay ku kala tegi doonaan haddii weli ku wataan Mahdi Guuleed.
