Monday, February 10, 2025

XOG: Liiska Wasiirada cusub oo lagu qorayo Nairobi & Gacan-yareyaasha Farmaajo oo ku shirsan

Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in liiskooda lagu diyaarinayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay isugu tageen gacan-yareyaasha iyo taliyeyaasha madaxweynaha.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in xubno ay ka mid yihiin: Fahad Yaasiin Daahir iyo Tabit Cabdi Maxamed ay tageen Nairobi, iyadoo ay ku biirayaan C/shakuur Cali Mire iyo xubno ka mida saaxiibada iyo la-taliyeyaasha madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ujeedka ay u tageen magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay inay ka fogaadaan magaalada Muqdisho oo ay hareen beelo iyo siyaasiyiin doonaya inay xilal wasiir ka helaan Golaha wasiirada cusub. Waxaana Muqdisho laga dareemay in xubnihii furaha u ahaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay Muqdisho ka tageen.

Ad

Labada la-taliye ee Fahad Yaasiin Daahir iyo Tabit Cabdi Maxamed ayaa lagu sheegay inay yihiin saaxiibada ugu awoodda badan ee madaxweyne Farmaajo, waxaana liiska Golaha wasiirada oo ay soo diyaariyeen la sheegay in lagu soo celin doono magaalada Muqdisho, kadibna madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay dib u eegis ku sameyn doonaan.

Kulamada iyo shirarkii badnaa ee raadinta xilalka golaha wasiirada ayaa ku yaraaday madaxtooyada markii ay meesha ka baxeen gacan-yareyaasha madaxweynaha.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON