Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya uga bilwoday maanta dalka Eretria oo ah kii labaad oo mudd 4 bilood gudahood ah uu dalkaasi ku gaaro.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka Madaxweynaha uu muhiim ku siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo inuu wadahadal la yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki, iyadoo aan bixin faahfaahin kale.
Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliya uu dalka Eriteria joogi doono muddo afar maalmood ah oo socdaal shaqo ah.
Dowladda Soomaalya ayaan fulin qodobkii ugu muhiimsanaa heshiiskii ay labada madaxweyne gaareen bishii July sida inay labada dal yeeshaan xiriir diblomaasi oo Darnjireyaal ay magacaabaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu si weyn u daneyneyo Arrinta ciidamada Soomaaliya ee dalkaasi jooga, isagoo dadaal ugu jira inuu dib ugu celiyo dalka is ay uga qey bgalaan dagaalka Alshabaab, balsw waxaa horyaalla caqabado waaweyn.