Sunday, March 23, 2025

Xog laga helay Sababaha Madaxweyne Xasan Sheekh uga baaqday Safarkii Dalka Ingiriiska

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyey inuu ka baaqsaday safar uu ugu socdaali lahaa magaalada London ee dalka UK.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku saabsanaa ka qeyb galka xaflada caleemo saarka Boqorka cusub ee UK King Charles III, wuxuuna sidoo kale lahaa ballamo kale iyo xarumo uu khudbad ka jeedin lahaa, iyadoo safaaradda Soomaaliya ee UK ay waday qabanqaabo soo dhoweyn ah.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in casuumaadda madaxda ka qeyb galeysa xaflada caleemo saarka Boqorka UK aanu ku jirin madaxweynaha Soomaaliya oo si khaldan ku baxday casuumaadda iyo caqabado kale oo soo wajahay safarkiisa.

Ad

Warar kale ayaa sheegaya in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ay hareeyeen caqabado siyaasadeed iyo abaabulo ka dhan ah oo ka socday UK iyo Yurub, taasoo keentay in safarkaasi la joojiyo.

Mac-hadka Chatam House ee caanka ah, magaalada London ayaa shaaciyey in la kansalay Khudbad iyo dood uu Madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb geli laha 5-ta Bishan May 2023.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON