Friday, April 12, 2024

Xog laga helay Qaraxii Suuqa Wanlaweyn oo noqday Is-miidaamin & in ka badan 15 Qof oo ku geeriyootay

Qarax weyn oo maanta ka dhacay  suuqa Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose ayaa faahfaahin cusub laga helay iyadoo qaraxa lagu sheegay inuu ahaa qof is miidaamiyey.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helo degaankaasi ayaa sheegaya in qarax uu geystay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kadibna uu la dhex galay Suuqa degmada Wanlaweyn, iyadoo qasaare weyn oo dhimasho iyo dhaawac leh uu geystay qaraxa.

Waxaa la xaqiijiyay inay qaraxa is-miidaaminta ah ku dhinteen dad gaaraya14 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhowaan 12 kale, dadka dhintay ayaa ahaa 14 shacab ah iyo hal askari, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ad

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhinaca ammaanka Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu beegsaday suuq qaadka lagu iibiyo, abaare afartii galabnimo ee xilliga Geeska Afrika.

GUddoomiye Cabdifataax ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey la tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON