Saturday, April 19, 2025

Xog laga helay Ninkii weerarray Kaniisadda Faransiiska “Wuxuu ahaa Aalkuliiste sameyn jiray Mootooyin-ka, wuxuuna isku bedelay..”

Xog dheeraad ah ayaa laga helay ninkii weerarka ka geystay Kaniisadda ku taalla magaalad Nice ee dalka Faransiiska Brahim al-Aouissaoui oo 21 sano jir ahaa una dhashay dalka Tunisia.

Ninkan ayaa qoyskiisa la xiriiray intii aanu weerarka qaadin saacado ka hor isagoo u diray sawirrada Kaniisadda uu weerarray, waxayna hooyadii iyo walaalkii saxafiyiinta u sheegeen inuu xaalad adag ku koray iyo taariikhdiisii hore.

Brahim al-Aouissaoui ayaa ahaa Makaanik sameeya Mootooyinka, kadib markii uu ka tegay iskuulkii, wuxuuna markaas ahaa qof aalkuliiste ah oo daroorada iyo khamrada caba. Hooyadii Kmar waxay sheegtay inay ka waanin jiray waxa uu ku jiro, maadama ay yihiin dad faqiir ah oo uu joojiyo lacagta uu ku ciyaarayo.

Ad

“Haddii Alle doono, isagaa jidka toosan igu hanuunin doona,.” ayuu jawaabay hooyadiis, wuxuuna u sheegay inuu inuusan sida uu yahay iska bedeleynin, laakiin labadii sano ee ugu danbeysay ayuu ku noqday wadaad iyo qof go’doon ah oo xirxiran.

Si joogto ah ayuu u tukan jiray, wuxuuna u dhaxeeyay Guriga iyo shaqada, mana dhex geli jirin dadka kale, isagoo guriga joogi jiray, arrintan oo qoyskiisa ay la yaabeen isbedelka ku dhacay. Walaalkii ayaa sheegay inuu dalka Talyaaniga u aaday shaqo, kadibna uu Faransiiska u gudbay, ayna ka war heleen inuu weerar ku qaaday Kaniisad ku taalla magaalada Nice.

Qof deris la ahaa qoyska uu kaso jeedo Brahim al-Aouissaoui ayaa sheegay inay dhibaato ku noqotay helista shaqo fiican, isla markaana uu xaalado adag wajahay, laaklin ay qoyskiisa lama filaan iyo naxdin ku noqotay markii uu qaaday weerarkii uu Mindiyaha u adeegsaday oo lagu dilay 3 qof.

- Advertisement -

Booliska Farasnsiiska ayaa 15 jeer toogtay Brahim al-Aouissaoui, waxaana gaaray dhaawac halis ah, isagoo weli isbitaal ku jira, xaaladiisuna halis tahay.

KILLER'S MOTHER: Kmar (right), the mother of Nice attacker Brahim Aouissaoui who killed three people in Thursday's terror attack, cries at her home in Tunisia last night after being questioned by counter-terrorism police
 Kmar (right), the mother of Nice attacker Brahim Aouissaoui 
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON