Monday, February 10, 2025

Xog laga helay Ninka 24 sano jirka ah ee Tooreyda ku weerarray Salman Rushdi iyo xaalad halis ah..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Nin dhalinyarro ah oo shalay Weerar Toorey loo adeegsaday ku qaaday qoraaga Salman Rushdi oo Buug uu qoray 30 sano ku dhowaad ku aflagaadeeyay Diinta islaamka iyo Nebi Muxamed NNKH.

Ninkan ayaa Booliska magaalada New Magaciisa ku sheegeen Hadi Matar, waana 24 sano jir kasoo jeeda magaalada New Jersey, iyadoo la rumeysan yahay in weerarka uu keligiis qorsheeyay, keligiisna qaaday oo aanay jirin koox uu ka tirsanaa.

Hadi Mater ayaa la sheeay nuu ka soo guuray Gobolka California, isagoo degay New Jersey sanadkii 2014. Matar waxa uu arday ka ahaa Xarunta Waxbarashada Elizabeth ee Cudahy, California, oo ka baxsan Los Angeles.

Ad

Gabriel Sanchez oo ay isku fasal ahaayeen ayaa sheegay inuu Matar uu ahaa ‘Muslim aad u cibaado badan’. Waxa uu intaa ku daray inuu si dhab ah u rumeysnaa diintiisa, isla markaana uu ahaa qof naxariis badan.

Asalkiisa wuxuu kasoo jeeda dalka Lubnaan, waxaana soo baxay warar aan la xaqiijin oo la xiriirinaya dhaqdhaqaaqa ka jira dalka Lubnaan ee Xisbullaah, arrintaas oo aan weli kala caddeyn.

Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladdiisa ayaa sheegaya in il laga tuuray, qoorta dhaawac ka gaaray, beerkana waxyeelo kasoo gaartay, isagoo noqday qof aan hadli karin oo koomo ku jira. Waxaa kaloo dhaawac halis ah ka gaaray Neerfaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON