Saturday, March 22, 2025

Xog laga helay Musuqmaasuqa lagu heysto Wasiir Beyle iyo Dokumentiyo Caddeyn ah (Akhriso)

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa lugaha la galay kiis musuq-maasuq ah oo la xiriira shaqaaleeynta xubno dhowr mushahar ka qaata dowladda.

Sida ku cad, dokumentiyo arrintan ku saabsan oo la helay, xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa ogaaday in Wasiir Beyle uu si sharci darro ah u qortay shaqaale wasaarado kale ka qaata mushahar, isagoo u dhiibay mashaariic ay wado Wasaaradda Maaliyadda.

Xeer ilaaliyaha ayaa dhowaan u yeeray wasiir Beyle inuu xafiiskooda u tago baaritaan la xiriira denbiyo lagu galay nidaamka maaliyadda, balse ayaa ku gacan sayray dalabkaasi, waxaana hadda la ofaaday in arrimihii loo haystay ay kamid ahaayeen in shaqsiyaad ay qaraabo yihiin ay si sharci darro ah ku qaatan mushaaharaad iyo gunnooyin fara badan dhinacyo kala duwan kasoo gala, ahna hantida dowladda.

Ad

Xubnahan Wasiir Beyle wato ayaa dowladda Federaalka Bil kasta ka qaadanayey lacago tobanaan kun oo dollar ah, oo dhowr meel lagu qoray, lacagtaas oo ah mid aad u badan oo shaki badan abuurtay heerka ay gaarsiisan tahay.

Baarista xafiiska Hanti-dhowrka ayaa lagu ogaaday in saddexda shaqsi ee kala ah:

1- Liibaan Aadan Obsiye

- Advertisement -

2- Nuur Cali Cumar

3- iyo Cabdullaahi Xuseen Nuur

ay ahaayeen xubno uu Wasiir Bayle codsaday inay la shaqeeyaan, iyagoo ah shaqaale rasmi ah oo ka qoran Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taasi oo siineysa mushaharaad laba dhinaco ah.

Khaladka uu baarista ku ogaaday Hanti-dhowrka ayaa waxa kamid ah in saddexda shaqsi ay haysan ogolaasho heshiis Ereg oo waafaqsan sharciga shaqaalaha rayidka ay mushaar, gunno iyo kharashaad hotel ka wada-qaadanayeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Mashaariic hoos taga Wasaarada Maaliyada oo ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.

- Advertisement -

“Waa in Liban, Nuur iyo Cabdullaahi ay dib u celiyaan dhamaan lacagihii ay ka heleen Mashaariicda ay maal-galiyaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika. Sidoo kalana waa in Wasaaradda Maaliyadda ay heshiis waafaqsan Sharciga Shaqaalah Rayidka Qoddobkiisa 41-aad ay la gashaa Wasaaradda Arrimaha Dibedda haddii ay Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in ay howlihii loo ergaday shaqsiyaadkani usii wataan, kana helaan lacagahooda mashaariicda hoostaga Wasaarada Maaliyada ama Miisaaniyadda Wasaarada,” ayaa lagu yiri talo soo-jeedin uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa ka dalbaday Wasaaradda Maaliyadda inay dhowrto shuruucda maamulka Maaliyada iyo kala baxsanaanta waajibaadka shaqo ayna si deg-deg ah u joojiso qabashada Payment Voucher (F3) ee uu idman Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Xubnahan ayaa la ogaaday inay qaraabo dhow la yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle, waxayna wasaaradiisu ka bixin jirtay kharashaadka Hotel-ka, iyadoo siin jirtay gunooyin iyo lacago kale oo sharci darro ah.

Wasiir Beyle oo ku dodoay inuu musuqa la dagaalamo ayaa hadda waxaa kusoo baxay musuq-maasuq qaraabo-kiilnimo ah intii uu joogay Wasaaradda Maaliyadda,waxaana hore loogu geystay inuusan xisaab celin muddo 4 sano ah miisaaniyadii dowladda..

Hoos ka aqriso dokumentiyada kiiska baarista

\

Isha: Caasimadda

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON