Saturday, December 14, 2024

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kaasoo ay ku saxiixnaayeen xildhibaanno ku dhow 50.

Mooshinkan oo la qoray 14-kii bishan ayaa 28-kii Bishan loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka, wuxuuna Wasiir Fiqi ku eedeynayaa inuu curyaamiyay shaqadii Wasaaradda, lana wareegay dhammaan howlihii Wasaaraadda iyo inuu sameystay shirkad lacag ku qaadata Tasdiiqinta Dokumentiyada Wasaaraddu bixiso.

Xldhibaannada wada Mooshinka ayaa u badan kuwa Mucaaradka ee ku xiran madaxweynayaashii hore ee dalka, waxayna wararku sheegeyaan inay qaarkood ka caroodeen sida loo adkeeyay Habraacyada lagu qaato Baasboorka Diblomaasiga/shaqaalaha iyo Dal-ku-galka Yurub iyo Ameerika oo aad loo adkeeyay.

Ad

Mooshinkan ayaa si weyn loogu faaqiday Baraha bulshada, halkii looga doodi lahaa fadhiga Golaha Shacabka, waxaana la faafiyay Mooshinka iyo Magacyada Xildhibaannada saxiixay, taasoo khilaafsan Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Qaar ka mida xildhibannada ayaa edeeyay xildhibaannada wada Mooshinka. Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame qoraal uu soo saaray ku yiri: “Kooxo Itoobiya Jaajuusiin u ah waxba ma yeeli karaan Wasiir Ahmed Moallim Fiqi iyo Siyaasadda Arimaha dibadda Dalka Soomaaliya. Hore u socod Ayaa inoo balan ah”.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa isna sheegay inay nasiib darro tahay Wasiir Fiqi oo ku maqan Difaaca dalka lagu mashquuliyo eedo aan jirin, sida uu yiri.

- Advertisement -

Siyaasiyiin iyo xildhibaanno kale badan ayaa soo jeediyay in xilligan aysan ku habooneyn Mooshin laga keeno wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo dalku dagaal siyaasadeed oo qaraar kula jiro Itoobiya.

Mooshinka ka dhanka ah Wasiir Fiqi oo noqday ayaa ku soo begemay xilli aan ku havooneyn, iyadoo xildhibaannada ku qoran Mooshinka ay qaarkood ku doodee in laga been abuurtay

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Guddoonka Golaha Shacabka ay Qarka u saaran yihiin inay laalaan Mooshinka oo la filayay in Isniinta Berri loo qeybiyo fadhiga Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON